rinji
(m.l) (-iyo, m.dh)

Midab; liin; asal; dheeh. ld ranji¹.

rinji
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iyay, -iday, -iyi)

Dhoob hal midab ama ka badan ka kooban oo qalabka la adeegsado dusha laga mariyo si loogu qurxiyo ama mirirka looga ilaaliyo. ld ranji², ranjiyee, rinjiyee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rinji

daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.

baalash [m.l]
1. Rinji midabbo badan leh oo gasacado yaryar ku jira oo kabaha la mariyo, luujito. 2. Burush.

bigays [m.l]
1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. ld bigayn.

biladdaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.

buufi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.

cawggiir [m.dh]
1. Caw rinji la geliyay. 2. C. ka dhig: si xun wax u baabi'in.

faar [m.l]
Caano, dawo, rinji iwm intooda adkaata marka ay kala baxaan.

fuwo [m.l]
1. Xidid asalkiisa lagu rinjiyo cawda. 2. Dhar aan xariir iyo suuf midna ahayn oo tayadiisu xuntahay. 3. ld fawo.

marso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Cunto, lacag iwm dhammaysasho. 2. Wax meel ka gudbisasho. 3. Dufan, rinji iwm ku dhaashasho. 4. Cashar cid ula tegid si loogu akhriyo (qof). 5. Marada ay xirantahay dhexda ka xirasho (haween). 6. Arrin meel gole ah ka caddeysasho.

ranji [m.l]
ld rinji¹.

rin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-imay, -intay; -imi)
Nafley dheddig rimmay qaadid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg