risiq
(m.l)

ld risqi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh risiq

calaf [m.l]
1. Dheef xag Ilaah ka qoran; risiq. 2. Nasiib.

calaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lfay, -laftay; -lfi)
1. U c.: Ilaah, cid wax risiq ugu dhigid. 2. U c.: Ilaah, cid wax nasiib ahaan u siin.

kadab [m.l]
Calaf Eebbe kuu qoray; risiq.

muhaajir [m.l] (-rro/-riin, m.dh)
1. Qof degaankiisii uga tegey risiq doon ama diin fidinteed. 2. (dii.) (m.w) Asxaabadii Nebi Maxamed (n.k.h.a.) la haajirtey oo inta Maka ka tegtey mid ka mid ah.

qarraaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Galmo aan xalaal ahayn raadin. 2. Risiq raadin.

risqi [m.l]
1. Quudka dadku ku noolaan karo. 2. Saamiga qof nolosha ku leeyahay. ld risiq.

ris [m.l]
Caws gaaggaaban oo iduhu aad u jecel yihiin oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.

ris [m.dh]
Geed laamo dhaadheer, dhuu-dhuuban oo guryaha carshaanta ah lagu dhisto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg