rubuc
(m.l) (-cyo, m.dh)

ld rubi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rubuc

waax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.

leber [m.l]
1. Waxar markaas habarteed ka gurtay. 2. Cabbir wax lagu cabbiro oo u dhigma rubuc jawaan.

limfosayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(c.nafl.) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu'ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lid jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.

rubac [m.l]
ld rubuc.

rubi [m.l.t]
Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tus. “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. ld rubac, rubuc.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg