sahay
(m.dh)

Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.

sahay
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-yay, -yday)

Cunto jidmar ahaan cid u siin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sahay

saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

beridhaxmo [m.dh]
1. Sahay ku filan hal beri oo safar ah. 2. ld beridhax.

jiscin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. ld jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood.

korsaar [m.l]
1. Sahay yar oo awrta rarkeeda dheeraad ku ah. 2. Raar aqalka miyiga dhalada laga saaro; dhalo-saar. 3. K. ah: sidiq.

oroob [m.l]
Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.

oroob [m.dh]
Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.

sahayasho [m.dh]
ld sahaysasho.

sahayid [m.f.dh]
eeg sahay².

sah [m.l] (-ho, m.dh)
Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg