sakaar
(m.l) (-rro, m.dh)Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sakaar ↴
laabtaxaw [m.dh]
(c.nafl.) Carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. ld laabxuunsho, labxo.
deyl [m.dh]
Midab madow oo ku dherersan macasha ilaa sakaarka idaha.
gabxarar [m.l]
Leg; sakaar.
halow [m.dh]
1. ld galow. Meesha godan ee ay iska galaan luqunta iyo sakaarka; dhuun, rubad. 2. H. ah: waddo haloosi ah.
lafsakaar [m.dh]
(c.nafl.) Laf fidsan oo laabta bartankeeda ku taal oo karreesaha iyo feeraha kore isugu haysa.
sakaarjab [m.l]
Legriix.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg