salee
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-leeyay, -laysay)

1. Ku s.: wax sal u yeelid. 2. Arrin xaqiiqdeeda sugid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh salee

aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.

ansaleel [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
A. ah: barax biyuhu ku badanyihiin. ld ansareer.

ansaleeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Caano ansaleel ka dhigid. ld ansareeri.

ansaleelin [m.f.dh]
eeg ansaleeli. ld ansareerin.

darajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo.

dhadhaab-saleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.

dheefsasho-saleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaq- dhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.

elektaroon [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.

fasaleeti [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Maro yar oo afka lagu tirto. 2. Maro yar oo midabo leh oo haweenku madaxa saartaan; masar. ld safaleeti.

niyuuratoon [m.l] (-nno, m.dh,)
(kiim.) Saxar saleed ku jira bu'da, leh cuf le'eg ka borotoonka mase leh saldanab. Xaaladaha qaarkood, niyuutaroonku waxa uu u mataataxaa orotoon, elektaroon iyo lid-niyuutariino aan celceliska cimrigoodu ka badanin 12 daqiiqo, marka ay ka baxaan bu'da atamka.

sal [m.l] (-lal, m.l)
1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.

sal [m.l] (-lal, m.l)
1. (nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.

sal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. ld sol.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg