salli
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Duco gaar ah oo Muslimiintu Nabiga ugu duceeyaan. 2. Gogol yar oo lagu tukada. 3. Derin yar.

salli
(Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

Ku s.: Muslimiin, duco gaar ah Nabiga ugu ducayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh salli

horyaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.

musallif [m.l]
Qof ganacsade ah oo xoolihii dhaafeen. ld masallaf¹, musallaf¹.

musallif [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Qof ganacsade ah qasaare aan wax u reebin la kulmid. ld masallaf², musallaf².

musallifi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof musallif ka dhigid. ld masallafi, musallafi.

musallifid [m.f.dh]
eeg musallaf². ld masallafid, musallafid.

musallifin [m.f.dh]
eeg musallifi. ld masallifin, musallafin.

musallifnimo [m.dh]
Musallif ahaansho. ld musallafnimo.

musallifsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax musallifay ahaansho. ld masallafsan, musallafsan.

musallifsanaan [m.f.dh]
eeg musallifsan. ld masallafsanaan, masallafsanaansho, musallafsanaan, musallifsanaansho.

musallifsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld musallifsanaan.

sal [m.l] (-lal, m.l)
1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.

sal [m.l] (-lal, m.l)
1. (nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.

sal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. ld sol.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg