salool
(m.l)

1. Hilib odkac ah oo subaggii laga miiray. 2. Badar, raran kulul ama dufan lagu dubay.

salool
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-oolay, -ooshay)

Hilib salool ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh salool

baalcad [m.l]
1. Qaloon loogu talagalay in alla bari lagu samaysto; salool. 2. ld baalcas.

daango [m.dh]
Galley ama messeggo la saloolay.

joolaal [m.l] (-llo, m.dh)
ld salool.

joolaalad [m.l] (-dyo, m.dh)
ld saloolad.

maxmaas [m.l] (-syo, m.dh)
Birdaawada bunka lagu dubo ama lagu saloolo.

qaloonfirdhis [m.l]
Hab loo ducaysto oo salool afarta jaho loo firdhiyo.

sagaarasalool [m.l] (-llo, m.dh)
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta daawada.

saloolad [m.l]
ld saloolasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg