saluugid
(m.f.dh)eeg saluug². ld saluugmo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saluugid ↴
biyaddiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Biyo cabi waayid wax uu qoonsaday awgeed (neef). 2. Ka b.: maamul sida loo fulinaayo saluugid.
qamiic [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Ka q.: wax saluugid.
qawad [m.l]
1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. ld qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.
qawad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Wax saluugid.
quurso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Qof xaqirid; yasid. 2. Wax saluugid.
saluug [m.l]
Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado.
saluug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Qof wax la siiyey ka qawadid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg