sandulle
(m.l)

1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sandulle

hawaan [m.l]
Wax la is yeelsiiyo; xoog; dirqi; sandulle, khasab.

jajuub [m.l]
Qasbidda qof wax uusan raali ka ahayn lagu sandulleeyo. ld jujuub¹.

sandullee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
Cid qasbid.

sandulleyn [m.f.dh]
eeg sandullee. ld sandulleys.

sandulleys [m.l]
ld sandulleyn.

sandulleysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Nafley wax la sandulleeyey ahaansho.

sandulleysnaan [m.f.dh]
eeg sandulleysan. ld sandulleysnaansho.

sandulleysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld sandulleys-naan.

bilqasab [Falkaab | Adverb]
Si sandulle ah, si xoog ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg