sanduuq
(m.l) (-qyo, m.dh)1. Shay ka samaysan qori alwaax ah ama bir oo dharka iyo alaabta lagu rito. 2. Meel lagu kaydiyo hanti hay'adeed iwm. ld santuukh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sanduuq ↴
alaab [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iwm. ld alaabo.
baakad [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-dyo, m.l, /-do, m.dh)
Warqad adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka lagu rido. ld baako.
cabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Jawaan, sanduuq iwm suuf, dhar iwm ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.
cid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iwm oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado.
dubnad [m.dh]
Dhagax yar yar oo qaab sanduuqeed leh oo tirooyin kala duwan oo dhibco ahi ku samaysanyihiin oo dadku ku dheelo. ld dumnad.
khasaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Bir aad u adag oo sida sanduuqa u sameysan oo lacagta, dahabka iwm lagu keydiyo. 2. Quful si adag u xirma oo dhawr wareeg leh.
khasnad [m.dh] (-do, m.l)
Bir aad u adag oo sida sanduuqa u samaysan oo lacagta, dahabka iwm lagu kaydiyo. ld qasnad.
nacash [m.l]
1. Ciyaar caruureed la is eryado oo qofka wax eryanaya marka uu taabto ka uu eryanayo uu yiraahdo nacash. 2. ld naxash. Sanduuqa meydka lagu qaado marka qabriga loo wado.
qafas [m.l]
1. (-syo, m.dh) ld qafis. Sanduuq shabaq ka samaysan oo shimbiraha, ugaadha iwm lagu hayo. 2. Qasac yar oo maar ah, qaada tiro xabbado ah oo buntuqa, bistooladda iwm la geliyo.
qafil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹.