sansaan
(m.l)

Baxaalli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sansaan

saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.

aragtiinka asaasiga ah ee aljebra [m.l]
(xis.) Isle'eq tibxaale kasta oo leh sansaanka a z + a,z + a z ... +a z + a =o, taas oo a , a , a ,... iwm ay yihiin tirooyin murakab ah oo leh ugu yaraan hal xidid oo murakab ah.

aritmatig [m.l]
(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

dareerin [m.dh] (xis.)
Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).

isle'eg-kubbad [m.dh] (-gyo ..., m.dh)
(xis.) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.

isle'eg-saabley [m.dh] (-gyo ..., m.dh)
(xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.

isle'eg-saddexjibbaar [m.dh] (-gyo ..., m.dh)
(xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarka ugu sarreeya ee doorsoomaha isle'egtu yahay darajada saddexaad. Sansaanta guud ee isle'eg saddex-jibbaar waa: ax3 + bx2 + cx + d = 0, taas oo a, b, c, iyo d ay yihiin madoorsoomayaal.

isle'eg-toosan [m.dh] (-gyo ..., m.dh)
(xis.) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.

logardam [m.l] (-myo, m.dh)
(xis.) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa “log”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg