sanuunad
(m.dh)Iidaan ka samaysan hilib, khudaar, dufan iyo geedo udgoon oo la isku shiilay; suugo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sanuunad ↴
garcadde [m.l]
Bariid ama baasto aan sanuunad ama suugo lahayn oo caano ama iidaan kale lagu daray. ld gaarcadd.
kashiisho [m.dh]
Badar la shiiday oo la karshey oo lagu cuno sanuunad ama caano; soor. ld gashiisho.
sanuunadayn [m.f.dh]
eeg sanuunadee.
sanuunadaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax sanuunad leh ahaansho.
sanuunadaysnaan [m.f.dh]
eeg sanuuna-daysan. ld sanuunadaysnaansho.
sanuunadaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld sanuuna-daysnaan.
sanuunadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cunto sanuunad u yeelid.
xulbad [m.dh]
Nagaar caws ah oo mirihiisa la cuno ama sanuunadda iyo wixii la mid ah lagu geedeeyo.
sanuun [m.dh] (-nyo, m.dh)
1. Sunbaax ama urta ka soo baxda hilib la shiilayo ama la dubayo. 2. Saac-xumo dhacda oo wax kasta khayrka ka qaadda.
sanuun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Hilib la shiilayo ama la solay sunbaaxid.