sarar
(m.l) (-rro, m.dh)

Derin caws ka samaysan oo aan toban kabood ka bad-nayn.

sarar
(m.dh) (-ro, m.dh)

Feeraha intooda hoose oo saracda xigta iyo hilibka saaran.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sarar

daar [m.l]
1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.

garab [m.l] (-rbo, m.dh)
1. Lafta isu haysa karraysta, sararta iyo gacanta. 2. Baalka shimbiraha. 3. Kaalmo af iyo addin leh. 4. Daruura is haysta oo da'aysa.

garwaaxeed [m.l]
Qaab maro, harag, iwm oo la dhuubay oo si gudub ah loogu xiro sararta hal gacan iyo degta gacanta kal.

garwaaxeedso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Maro, harag oo la dhuubay si gudub ah sararta hal gacan iyo degta gacanta kale. 2. Qof fadhiya, jilbaha iyo dhabarka maro isagu xirasho. ld garwaaxayso, garwaaxiids.

mayraq [m.l] (-qyo, m.dh)
Saddexda feerood ee sararta u hoosaysa iyo hilibkooda oo iswata (geel).

sararacaddeeye [m.l]
Geed dhulka dooxoo-yinka ah ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.

sararaggale [m.l]
Deriskunool gala dhogorta nirgaha oo dhiigga ka nuuga.

sararcaddeeye [m.l]
Geed dhulka dooxoo-yinka ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.

sar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Aqal weyn oo dhagax iwm laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo'ah.

sar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax jeexdin yar u yeelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg