sargaal
(m.l) (-llo/saraakiil, m.dh)

1. Qof madax ah oo maamul dawladeed haya. 2. Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo xiddigo leh. ld sarkaal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sargaal

leylisargaal [m.l]
ld leylisarkaal.

leylisarkaal [m.l] (-raakiil, m.dh)
Qof tababbar ugu jira in uu noqdo sargaal ciidan.

sarkaal [m.l]
ld sargaal.

xiddigle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg