sargo'
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-'ay, -'day)

Ku s.: wax, wax kale la jin ah noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sargo'

birisam [m.l] (-myo, m.dh)
1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.

borojekshan-sargo'an [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.

qarradh [m.l] (-dho, m.l)
(juqr.) Kala jab ku dhaca oogada dhulka kaas oo uu la socdo dhaqaaq, islamarkaas lakabyada dhadhaabada qarradhka labadiisa dhinac ah iskuma sargo'na. Inkasta oo uu dhaqaaqu badanaa yahay mid atoma, haddana waxaa dhici karta qarradhku inuu jiho kasta aato oo ay ku jirto tan jiifku.

salxaale [m.l]
(xis.) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.

sargo' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day)
Ku s.: wax, wax kale la jin ah noqosho.

sargo'an [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'naa, -nayd)
Ku s.: wax, wax kale la jin ah ahaansho.

sargo'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ku s.: wax, wax kale la jin ah ka yeelid.

sargo'id [m.f.dh]
eeg sargo'.

sargo'in [m.f.dh]
eeg sargo'i.

sargo'naan [m.f.dh]
eeg sargo'an. ld sargo'-naansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg