sarrayn
(m.f.dh)eeg sarree.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sarrayn ↴
biyo [m.l.w]
(kiim.) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
cilmiga buuraha [m.l]
(jool.) Laan ka mid ah juqraafiga dabiiciga ah oo ku taxaluqda kala sarraynta dhulka, iyo gaar ahaan hababka buuraha.
cimilo-buureed [m.l]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
gacansarrayn [m.f.dh]
eeg gacansarree.
gobol-dabiici [m.l] (-llo ..., m.dh)
(juqr.) Meel gudaha xuduuddeeda ay ka jiraan darajo sare ee mid ahaansho qaabeed, marka la bar-bar dhigayo meelo kale, ha ahaato xagga kala sarraynta, cimilada, degaanka, sidaas darteed ilaa xad mid ahaansho qaabeed ee xagga dhaqaaqa dadka.
khariidad-kala-sarreynta [m.dh] (-o ..., m.l)
(juqr.) Khariidad muujinaysa kala sarraynta meel.
meerkac-biyood [m.l]
(juqr.) Wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood, ma sababo la mid ah.
neecow badeed [m.dh]
(fiis.) Sarraynta/hoseynta socodka hawada ka timaada badda ee u socota beriga ee ay sababtay kala duwanaanta heerkulka. Maalintii kulaylka berrigu wuxuu keenaa in hawadu kor u kacdo, hawada badduna halkeedii ayey beddeshaa.