sarree
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-reeyay, -raysay)Ka s.: wax, wax kale kor saaran ama ka derejaweyn ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sarree ↴
baabaha masiixiga [m.l (dii.)]
Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka. boobka
taag [m.l] (-gag, m.l)
1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
taago [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhul yara sarreeya. ld taag (2).
alluumiiniyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
antarasayt [m.l] (-yo, m.dh)
(jool.) Dhuxul-dhagaxeed adag oo madow oo dhalaala oo ah dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u sarreeya ee urkaarboonka.
anuug [m.dh]
Wax alla wixii sarreeya (cir).
asaagso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid.
baari [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
badidhace [m.l]
(xis.) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
bariis [m.l]
Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. ld bariid.