sarrif
(m.l)1. Lacag jajab ah oo qiimaheedu santiyaal yahay. 2. ld sarrifid.
sarrif
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)Lacag isku taal googo'u dhigma u beddelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sarrif ↴
saaq [m.l]
1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey.
banki [m.l] (-iyo/bunuug, m.dh)
Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.
bawlad [m.dh] (-do, m.l)
Lacag sarrif ah oo waa hore la isticmaali jiray oo qiimaheedu u dhigmo rubbiyad afar meel loo dhigay meesheed. ld bawlo.
beesad [m.dh] (-do, m.l)
Lacag bir ah oo ka mid ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban senti.
beni [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
caanad [m.dh] (-ddo, m.dh)
Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti.
caanteyn [m.l]
Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.
doori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
doorso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho.
furaley [m.dh] (-yo, m.l)
Sarrifka rubaabka mid ka mid ah oo u dhigma 10 senti.