sarriig
(m.dh)

1. Dhawrashada sharafta la dhawrto. 2. Dulqaadka dhibaato loo dul-qaato.

sarriig
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

ld sarriib.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sarriig ↴

guulato [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag aan sarriig lahayn oo martidu ku soo dhiirran aqalkeeda.

sarriib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Laan caleemo leh ilkaha ama gacanta iyadoo aan la sii dayn xoog ugu jiidid si caleentu uga daadato. ld sarriig².

sarriibid [m.f.dh]
eeg sarriib. ld sarriigid.

sarriigasho [m.f.dh]
eeg sarriigo. ld sar-riibasho.

sarriigid [m.dh]
ld sarriibid.

sarriigo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
1. Sharaf iyo magac dhawrasho. 2. ld sarriibo.

xil [m.l]
1. Xishood; sheex; sarriig. 2. Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo. 3. Ceebal; fadeexo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg