sarsarid
(m.f.dh)eeg sarsar².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sarsarid ↴
dalaandal [m.l]
(daaw.) Sarsaridda meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay la sarsaro iyadoo dhiigga toobin looga soo nuugayo.
dalaandal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
(daaw.) Meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay, si toobin dhiigga looga soo nuugo sarsarid.
tiif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax sarsarid.
sarsar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Jeexjeex yaryar oo aan maqaarka dhaafsanayn oo oogada loo yeelo. 2. Oodda reerka dusha uga wareegsan; deyr; meegaar; 3. Dhinac.
sarsar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qof oogadiisa jeexjeex u yeelid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg