sayax
(m.l)

1. Qoyaanka gabaddanadu keento; dharab. 2. ld sayaxid.

sayax
(m.l) (-xyo, m.dh)

(juqr.) Dhammaadka fud baraf, kolka herkulku kor uga kaco barta biyuhu ku fadhiistaan, barafkuna uu biyoobo. Loolalka sare sayaxu waa dhacdo sanadeed muhimad weyn leh, oo dhaca gu'walba, waxana ku xiga milmidda barafka iyo ado-barafeedka iyo wabiyada.

sayax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

Wax gabaddano ku qoyid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sayax

naatariyam-haydaroogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.

dharab [m.l]
1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan.

dheel [m.l]
Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax.

koostik-soodha [m.dh]
(kiim.) (Naatriyan haydarogsaydh). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.

sayaxe [m.l] (-xayaal, m.l/dh)
(fiis.) Walax ka nuugi karta biyaha atomosfiyeerka.

sayaxid [m.f.dh]
eeg sayax³. ld sayax¹.

sayaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax gabaddano ku qoyey ahaansho.

say [m.l] (-yo, m.dh)
Wax naag ninka qabaa u yahay.

say [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday)
Wax isku garab safid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg