saynis
(m.l)Cilmiga barashada noolaha iyo manoolaha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saynis ↴
aqoon-beereed [m.dh]
(c.beer.) Sayniska beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin mashaakilka dalagyada soo go'a, ka hortagga cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo bacrinta carrada.
barashada foosillada [m.dh]
(taar.) Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.
birlabnimo-duleed [m.dh]
(jool., fiis.) Astaamaha birlabeed oo uu muujiyo dhulku, kuwaas oo dhulka keenay inuu noqdo birlab weyn oo labo cirif leh; waa sayniska barashada astaamooyinkaas.
buug [m.l]
(buug, m.dh/-aag/-ag, m.l) 1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo suugaan amaa saynis ku qoranyahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran garbad leh oo aan wax ku qorneyn.
cabbir-dhuleed [m.l]
(juqr.) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
cilmifalag [m.l]
Brashada sayniseed ee xiddigaha, dhulalka, iyo waxyaabaha kale oo laga helo hawada.
cilmiga gibilka [m.l]
(fiis.) Sayniska barashada lakabyada kala duwan ee hawada.
cilmiga qawmiyadaha [m.l]
Barashada sayniseed ee jinsiyadaha bani'aadamka iyo dhaqamadooda.
filiqsanaanta-qawmiyadaha [m.dh]
(juqr.) Barashada sayniseed ee fliqsanaanta goboleed ee faracyada ama jinsiyadaha bani-aadamka iyo dhaqamadooda.
kaartoogaraafiyada [m.dh]
(juqr.) Farshaxan-ka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.
sayn [m.l] (-mo, m.dh)
Addin roob ah oo aan ballaarayn oo meel ka hoora.
sayn [m.dh]
Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.