saytobalaasam
(m.l) (-myo, m.dh)

(baay.) Walax xab oo kale ah oo ku wareegsan bu'da unugga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saytobalaasam

borotobalaasam [m.u]
(baay.) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu'dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.

bu' [m.dh]
1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa..

istomata [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasamka unug nool kaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareereyaal kale, dheecaan ama saxaro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihiin dhowr dalool oo yaryar.

maytokondoriya [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Dhisme laga helo saytobalaasamka unugga dhirta iyo xayawaanka taasi oo qaadda neefsashada ogsajiinta leh: waa meesha ay ka dhacdo meertada kerbis iyo silsiladda gudbinta ilaktaroon, iyo weliba soo saarista tamarta unugga.

moonosayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(baay.) Nooca ugu weyn ee unugga dhiigga cad, kaasi oo uu soo saaro habdhiska limf, muhimaddiisuna tahay ka difaacidda jidhka cudurrada. Wuxuu leeyahay bu'weyn iyo saytobalaasam saafi ah.

weji gebagabo [m.l] (-iyo ..., m.dh)
(baay.) Heerka afraad ee qaybsanka unugga; kaas oo ah marka ay koromaatidhyadu gaadhaan cidhifyada, saytobalaasamkuna uu qaybsamo ee uu sameeyo laba unug oo mataana ah oo kala soocan. Waxa baaba'a miiqyada iyo xiddigaha iyaadoo bu'yarada iyo xuubka bu'da ee unug mataan kastaa dib u samaysmo iyo koromosoomyada oo dib u soo ceshada qaabkoodii dunta oo kale ahaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg