seed
(m.dh) (-do, m.l)

Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha.

seed
(m.dh) (-do, m.l)

(c.nafl.) Koox nudo ah oo liilsami kara, kuwaasoo hal ama in ka badan oo lafo ah oo isu tagay, isuna haya kalagoosyo dhaqdhaqaaq. Seeduhu waxay xukumaan dhaqdhaqaaqa lafaha ee kala-goyska, sidaa awgeed waxay muhiim u tahay ka hortagga kala baxa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seed

taallaxusuuseed [m.dh]
Taallo wax lagu xusuusto.

boqon [m.l] (-nno, m.dh)
Xarig laga sameeyo seedda boqonta oo lagu xiro qaansada.

cod [m.l] (-dad, m.l)
(nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.

curuq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid.

dalqo [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe.

dhulcawseed [m.l]
Dhul caws badani ka baxo, oo geed-gaab leh.

foolkaano-dambaseed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Qurubyo yaryar oo laarfa, oo badanaa leh qaab goobo, kaasoo dibadda u soo tuurtay foolkaano iyadoo dareere ah, adkaanaysana markey soo dhacdo.

horseed [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.

horseed [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid.

horseedid [m.f.dh]
eeg horseed².

se [Xiriiriye | Conjunction]
Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg