seeg
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)Wax gefid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seeg ↴
danseeg [m.l]
Wax aan faa'ido lahayn ee qof waqti ku dhaafo. ld danseegid.
danseeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Qof, wax aan faa'ido lahayn waqti ku lumin.
danseegid [m.f.dh]
eeg danseeg². ld danseeg¹.
gunaanadseeg [m.l]
1. Yaasimin la'aanta uu la kulmo qof dhintay. 2. ld gunaanad- seegid.
gunaanadseeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Qof dhintay, gunaanad waayid.
gunaanadseegid [m.f.dh]
eeg gunaanadseeg². ld gunaanadseeg¹ (2).
hungow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Cid wax seegid.
isle'egyo-seegmaweydo [m.dh]
(xis.) Urur isle'egyo ah oo doorsoomeyaashoodu ay wada raaliggelin karaan ugu yaraan hal urur furfuris. Tusaale ahaan: isle'egyada x + y = 2 iyo x + 4y = 6 waxa raaligeliya x = 2/3 iyo y + 4/3. Isle'egyada x + y = 4 iyo x + y = 9 ma aha seegmaweydo waayo ma jiro lammaane qiimeyaal oo wada raaligeliya labada isle'eg.
sarmaseegtayn [m.f.dh]
eeg sarmaseegtee. ld surmaseegtayn.
sarmaseegtee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Sarmaseegto samayn. ld surmaseegtee.
se [Xiriiriye | Conjunction]
Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.