seeri
(m.l) (-iyo, m.dh)1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seeri ↴
digniin kamadambeys ah [m.dh]
(siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.
saranseerid [m.f.dh]
eeg saranseer².
seerayn [m.dh]
ld seerid.
seerid [m.f.dh]
eeg seer. ld seerayn.
seeriwale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Laba kooxood oo cayaar kubbadeed isaga soo horjeeda, qofka dhexdhexaadinaya oo seeriga u haya; garsoore. ld siiriwale.
siiriwale [m.l]
ld seeriwale.
see [fk.we]
ld sidee.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg