sees
(m.l) (-sas, m.l)

1. Garangar yar oo qodxa ka taagtaagan yihiin oo weylaha gafuurka loo geliyo si aysan lo'da u nuugin. 2. Asaas; saldhig. 3. Nin ka shaqeeya xera-da fardaha.

sees
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)

Weylo si aysan lo'da u nuugin garangar yar oo qodxo ka taagtaaganyihiin gafuurka u gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sees

seesar [m.l] (-rro, m.dh)
Saxan yar oo wareegsan yarana godan oo korkiisa bakeerida la saarto, wixii ka soo daatana celiya.

seeseemmane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Nooc ka mid ah kalluunka badda ku jira oo sida badan hoos aada.

seesid [m.f.dh]
eeg sees².

se [Xiriiriye | Conjunction]
Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg