seetee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-teeyay, -taysay)

Awr si uusan u fogaan labada addin oo hore xarig uga xirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seetee

qoofal [m.l]
1. Dabar suun ka samaysan oo awrta iyo fardaha jeenyaha hore lagaga seeteeyo. 2. ld qoofalid.

seetayn [m.f.dh]
eeg seetee.

seetaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la seeteeyey ahaansho.

seeto [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xiridda la isku xiro labada addin oo hore ee awrka. 2. Xargaha awrta lagu seeteeyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg