seexasho
(m.f.dh)

eeg seexo. ld seexad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seexasho

barkadhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
Barkin si xun ugu seexasho. ld barkindhac².

barqalibaaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Goor barqo ah seexasho (nafley).

dangiig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. ld dingiig².

dangiigso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. ld dingiigso.

dhacadiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Qof dhabar u seexasho. ld dhacdiid².

dhacadiidso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Dacdiid u seexasho. ld dhacdiidso.

dhigo [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.

geddicadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Caloosha oo sarraysa, seexasho (qof.

hurdoyari [m.dh]
(daaw.) Hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.

indhagaduudso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Muddo yar seexasho. ld indhacasayso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg