seexi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Cid hurdisiin. 2. Dab iwm damin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seexi

aroori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.

dam [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.

dargad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. ld daragad.

dhabaandhaw [m.l]
1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo. ld dhabaandhebid.

dhabaandhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dhebay, -dhawday; -dhebi)
1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go'lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo.

dharaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.

hurdeysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid seexin. ld hurdisii.

isbitaal [m.l] (-llo, m.dh)
Meesha dadka jirran lagu daaweeyo lana seexiyo. ld cisbitaal, cusbitaal.

jiifi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel seexin. 2. Shay dhinac meel u dhigid.

see [fk.we]
ld sidee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg