shaar
(m.l) (-rar, m.l)

Hu'si gaar ah loo tolay oo leh kulleeti, gacmo, guluusyo la iskula xiro oo dadku qaarka sare ka qaato; shaati.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaar

haashaar [m.l]
Muuqaal qurux iyo xarrago leh; shoob, mardaadi. shoob, mardaadi

qaashaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.

qaashaarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaashaaro.

qaashaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Hawl isu diyaarin.

afmiinshaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. ld afmiishaar.

afmiinshaarayn [m.f.dh]
eeg afmiinsharee. ld afmiishaarayn.

afmiinshaaree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Qof wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto ku meel marin. ld afmiishaaree.

afmiinshaarnimo [m.dh]
Afmiinshaar ahaansho. ld afmiishaarnimo.

afmiishaar [m.l]
ld afmiinshaar.

afmiishaarayn [m.dh]
ld afmiinshaarayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg