shad
(m.l) (-dad, m.l)Astaanta muujisa in shibbanuhu uu labalaabanyahay (far-carbeedda).
shad
(m.l)(fiis.) Xoogga saaran halkii halbeeg ee bedka walax, sababana in ay walaxdu qaab doorsoonto.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shad ↴
laaluushad [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg laaluusho.
aarsashaddoon [m.l]
ld aardoon.
baashad [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg baasho.
baqshad [m.dh] (-do, m.l)
Kiish yar oo xaashi ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala duwan leh oo warqadaha lagu xiro. ld boqshad, buqshad.
baqshadayn [m.f.dh]
eeg baqshadee.
baqshadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Wax baqshad dhex gelin (waraaq).
barashada baali-nololeed [m.dh]
(taar.) Cilmiga ku saabsan nolosha dhulka dushiisa waqtigii hore, taasoo aan ku ogaanayno barashada lafihii hore.
barashada badweynada [m.dh]
(juqr.) Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iwm.
barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.
barashada foosillada [m.dh]
(taar.) Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.