shaf
(m.l) (-faf, m.l)1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
shaf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)Geedo iwm jarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaf ↴
xabad [m.l]
Laab; gaaddo; shaf.
xagalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin-taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.
gaatir [m.dh]
1.Haragga oogada oo adkaada, siiba kan sacabbada iyo cagaha. 2. Harag qolof adag noqday oo shafka, goroflegedka iyo cagaha geelu ku yeesho. 3. Geed-nagaaraad oo yar. ld gaatur.
gojoxo [m.dh]
Hilibka saaran shafka geela. ld gojaxo.
mud [Magac Lab | Noun Masculine]
Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).
qanjidh taymas [m.l]
Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
qurquro [m.dh]
1.Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. ld qurqurin.
sakiiro [m.l]
1. Iin lugaha dadka gasha oo jilbaha isu soo dhoweysa. 2. Nabar ka dhasha shafka iyo jeeniga geelu markay is xoqaan. ld sakiir, sikiir, sikiiro.