shakaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.

shakaal
(m.l)

(xis.) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha.

shakaal
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-aalay, -aashay)

1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shakaal ↴

kosayn [m.l]
1. (xis.) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.

shakaalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la shakaalay ahaansho.

shakaalid [m.f.dh]
eeg shakaal².

shakaalnaan [m.f.dh]
eeg shakaalan. ld sha-kaalnaansho.

shakaalnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld shakaalnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg