shakhsi
(m.l)

1. Qof. 2. Sh. ah: khaas ah; fardi ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shakhsi

baaranooya [m.dh]
(daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.

dementiya [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo joogto ah ama muddo dheer socota oo ay maskaxda gabto hawsheeda. Astaamo: xasuus xumo, isbeddel shakhsiyaded, fakar xumo iyo habow, istix geli la'aan.

indifiiduwalism [m.dh]
(bul.) Aragti bulshadeed oo tixgelinaysa ficil madax-banaan ama ra'yi xornimo buuxda ee shakhsiyo gar ahaaneed, oo ka soo horjeedda aragtida tixgelinaysa tan dawladda.

jinsi [m.l] (-iyo, m.dh)
(nax.) Dabeecadaha kala duwan ee leh shakhsiyaad ama noolayaal isku dir ah (lab iyo dheddig).

lammaane [m.l]
(nax.) Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”. Lammaane = la iyo maan halka e-da danbena ay tahay mid sheegaysa adkaanshiyo sida wax isku naban, isku sudkan. Tusaale: “Waa baahi ka dhaxeysa laba shakhsi si ay isku dhameystiraan” lamaane

qanjir [m.l]
1. Cad yar jirka nafleyda ku yaal oo dhala dheecaano uu jirku u baahanyahay. 2. Q. ah: qof aan shakhsiyad wanaagsan lahayn. 3. ld qanjirid. ld qanjidh.

qof [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-faf, m.l)
1. Shakhsi aadami ah. 2. Q.na: ninna, cidna. 3. Q.af: dad.

shakhsiyad [m.dh]
Tayada dadnimo ee qof leeyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg