shaqaale
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaqaale ↴
jaariyad [m.dh] (-do, m.l)
Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
maalingoosad [m.l]
Qof shaqaale ah oo la siyo maalin walba waxa uu goosto. ld maalingoosato.
unug-dareen-wade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
urur shaqaale [m.l] (-rro ..., m.dh)
(taar.) Urur matala xoogsatada, rabo in uu wax ka baddelo xaaladda nolosha, mushaarada iyo lacagta.
askarmaroodi [m.l]
1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
boroolataariyad [m.dh]
(siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.
hawlwadeen [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qofka hawsha kala haga ama maamula. 2. Shaqaale.
hey'ad [m.dh] (-do, m.l)
Maamul xafiis iyo shaqaale u gaar ah leh; wakaalad. ld hay'ad.
joogto [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
1. J. ah: wax aan isbeddel lahayn ama aan kala go'ayn. 2. Shaqaale hay'adeed oo aan maalin goosato ahayn.
kiitoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Moli-kuyuullada leh urur shaqaale RCOR'. eeg urur shaqo.