shaqal
(m.l) (-llo, m.dh)Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iwm.
shaqal
(m.l) (-llo, m.dh)(nax.) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tus. “a, e, i, o, u, aa, ee iwm”. Sh. culus: shaqallada soomaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “dųul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid).
shaqal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qlay, -qashay)1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iwm maro ku dahaarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaqal ↴
a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
e [m.dh]
(e') Xarafka shanaad ee alifka
soomaaliga, kana mid ah shaqallada.
o [m.dh]
(o') Xarafka shan iyo tobnaad ee
xuruufta af soomaaliga ah, waana shaqal.
u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af
soomaaliga, waana shaqal.
xadaf [m.l]
(nax.) Goyn shaqal ka mid ah erey. Tus. “garab + o -> garbo”.
alan [m.l]
(almo/-nno, m.dh) (nax.) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iwm; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iwm) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.
alifba' [m.dh]
Xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shaqallo iyo Shibbanayaal; alif. ld alif.
codkac [m.l]
(c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah).
hoosdhaw [m.l]
1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. ld hoosdhebid.
hoosdhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dhabay, -dhabtay; -dhebi)
Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.