sharci
(m.l) (-iyo/shuruuc, m.dh)1. Axkaam-ta diinta islaamka; shareeco. 2. Xeerar dawladdu samayso oo dadka lagu xakumo.
sharci
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Cid haddi-daaddeed ka jawaabid. 2. Qof go'aan ugu yeerid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sharci ↴
baabbi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ciribtirid.
2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal
tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda
ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin.
4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay
waxyeeleyn.
laal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin.
laalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Wax meel sare la saaray ahaansho. 2. Arrin aan go'aan laga gaarin ahaansho. 3. Sharci wax la baaba'shey ahaansho.
naakirad [m.dh] (-do, m.l)
Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. ld naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.
qaanuun [m.l] (-nno/qawaaniin, m.dh)
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.
xad-awoodeed [m.dh] (-dad ..., m.l)
(qaan.) Awood maxkamad sharciyeed ama madax sare oo ku gaara go'aan ama fuliya sharci.
afgembi [m.l]
1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro. 3. ld afgembiyid.
afgembi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.
amarkutaagle [m.l]
Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. ld amarkutaagleeye.
ansax [m.l]
1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. ld ansixid.
shar [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ro, m.l)
Wax kasta oo samaha ka hor yimaad cawaaqib xumana keena.