shareer
(m.l) (-rro, m.dh)1. Wax, wax kale lagu qariyo. 2. Sh. ah: meel hawd ah oo dhir badan oo aan la dhex mari karin. 3. Wax dheer sida buuraha, geedaha, dhis-mooyinka iwm meesha ugu sarraysa.
shareer
(m.dh) (-ro, m.l)Buur dhaladeeda.
shareer
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Wax qarin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shareer ↴
fiilo [m.dh]
1. Daliigo bir ama naxaas ama macdan kale ka samaysan oo korontada la raacsiyo. 2. (muus.) Xargaha shareerada.
foodshareer [m.l] (-rro, m.dh)
1. ld foodsaar 1 (3). 2. Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa timo ku lahayn, timo ka baxa.
foolshareer [m.l]
Timo wejiga qofka qaybtiisa sare ka soo baxa.
garni [m.l]
(muus.) Qalab yar oo ka sameysan gees lo'aad, oo lagu garaaco xargaha shareerad.
hurdo diid [m.l]
Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.
indhashareer [m.l] (-rro, m.dh)
Masar ama duub kale oo maro ah oo wax laga arki karo oo ay dumarka muslimka ahi wejiga ku detaan. ld indhashareerad.
indhashareerad [m.l]
1. ld indhashareero. 2. ld indhashareerasho.
indhashareeran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax indhashareer qaba ahaansho.
indhashareerasho [m.f.dh]
eeg indhashareero. ld indhashareerad (2).
indhashareernaan [m.f.dh]
eeg indhasha-reeran. ld indhashareernaansho.