shax
(m.dh)1. Cayaar dhulka lagu dhigto ama loox loo sameeyey korkiis oo laba qof lagu cayaaro. 2. Shilin yaryar oo aan ishu aad u qaban karin. 3. Jadwal.
shax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)Shax cayaarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shax ↴
oodan [m.dh]
Ciyaarta shaxda oo aan meel laga soo galo lahayn.
qaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld
xabbadqaad [m.l]
1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
xaglagooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.
addin [m.l] (-imo, m.dh)
1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.
adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
1. (fiis.) Maatarka saddexdiisa qaybood middood oo leh mug iyo qaab go'an, iskana caabida xoogagga qaabkeeda beddelaya. 2. (xis.) Shaxan joomaterikaad oo saddex aaddimood leh. 3. (xis.) A. lix salaxaale: shaxan adke ah oo leh lix weji oo barbarooleyaal ah. 4. (xis.) A. uumiyoobe: wejigeddoonka adkuhu ku noqdo neef isaga oo aan marka hore dhalaalin.
anshax [m.l] (-xo, m.l)
(etno.)Habka iyo hanaanka qof bulshada uu la noolyahay la dhaqmo; asluub.
anshaxdaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof aan anshax wacan lahayn ahaansho.
anshaxdarnaan [m.f.dh]
eeg anshaxdaran. ld anshaxdarnaansho, anshaxdarro.
anshaxdarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld anshaxdarnaan.