shaybaar
(m.l) (-rro, m.dh)

Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaybaar

falgalkeene [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iwm ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.

kookeyn [m.dh]
(daaw.) Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.

miirid [Magac Dheddig | Noun Feminine]
(kiim.) Dariiqada saxarrada adkaha ah lagaga soocaayo hoorka iyadoo la adeegsanaayo walax daloolo leh. Shaybaarka waxaa badanaaba lagu isticmaalaa warqadda miirtada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg