shiid
(m.l) (-dad, m.l)

1. Dhar dun adag, midabyo badan oo dumarku qaato. 2. (-dad, ml.) Laba dhagax oo isku dul wareega oo badarka lagu ridqo. 3. Dhagax.

shiid
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-day, -dday)

1. (f.g) Cid dhagax ku tuurid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.g) Laba dhagax oo is dulsaaran badar ku daqiijin. 4. (f.mg) Biyo hoos ugu degid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shiid

maankaal [m.l]
Gufurka ka soo baxa sisinta marka la shiido, oo xooluhu cunaan. ld maakaal.

bejiyo [m.dh]
Digir la shiiday basbaas, toon iyo basal lagu daray oo la dubay. ld bejiye.

biif [m.l]
1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iwm marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. ld biifid.

biif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Badar, digir iwm oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin.

booc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.

bundaqiijiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Makiinadda bunka lagu shiido.

dabashiid [m.dh]
Heensasaar.

daqiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.

deg [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.

degitaan [m.l]
1. Rug ka dhigashada meel rug laga dhigto. 2. Fariisashada wax duulayey fariisto. 3. Shiididda biyo hoos loo shiido. 4. Hoos u dhicidda dhul, webi iwm hoos heerkoodii uga dhacaan. 5. Kala miirmidda wax qasnaa kala miirmaan. ld degid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg