shiilid
(m.f.dh)eeg shiil². ld shiillimaad, shiil-niin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shiilid ↴
buruudshiilid [m.f.dh]
eeg buruudshiil².
dallac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -lici)
1. (f.g) Khudrad, hilib, dufan iwm isku shiilid. 2. (f.mg) Dallacaad helid (qof).
kawl [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lay, -wshay)
Hilib dufan ku shiilid. ld shawl².
kumbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hilib jiir ah dufan ku shiilid. 2. ld yumbi.
muufee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
Cunto meel god ah ama dhismo loogu talagalay oo kulul ku dubid ama ku shiilid. ld moofee.
qalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Bariis inta aan biyaha lagu darin dallac ku shiilid.
shiillimaad [m.l]
Shiilidda wax la shiilo. ld shiilid.
shiilniin [m.l]
ld shiilid.
tashiilid [m.f.dh]
ld tashiil².
shiil [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lal/-lo, m.l)
1. Qodob madaxiisa ballaaran oo inta la kululeeyey wax buka lagu gubayo. 2. Barta ama raadka uu oogada ku reebo dabkaas. 3. Sh. ah: dhagax madow oo marka la isku dhufto dab bixiya. 4. Sh. ah: midab aad u madow oo dadku yeesho.
shiil [m.dh]
Dhagax dab lagu kululeeyey oo caddaaday.
shiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
1. Subag ama saliid kulul wax ku bislayn. 2. Burcad subag iyo caaneeyo u kala saarid.