shiilo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-iishay, -iilatay)1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcad-dhalaalsasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shiilo ↴
jaawe [m.l]
Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.
taawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.
busteeki [m.l] (-yo, m.dh)
Hilib jiir ah, xalxalleefsan oo la shiilo ama la solo. ld buskeeti.
caaneeyo [m.dh]
Caanaha laga saaro burcadka marka la shiilo. ld caaney, caanooyo.
debsaar [m.l]
In yar oo saliid ah oo hal mar bun lagu shiilo.
doobshiid [m.dh]
Sumad geel oo ah laba shiilood doobada labadeeda dhinac lagu dhigo. ld doobbashiid.
geedxamar [m.l]
Geed nagaar laamo jilicsan leh, udgoon oo lagu shiilo burcadk.
jifi [m.dh]
1. Dufan baruurta laga shiilo oo fariisata markay qabowdo; xayr; xuuki. 2. ld jufo.
kabaab [m.l]
Hilib shiidan oo dhir lagu daray oo inta la kuuskuuso la shiilo.
kumbis [m.l]
1. Hilib jiir ah oo laga dhigo cadad bagbagafsanoo subag lagu shiilo, kaydna gala. 2. Hog daawo ku jirta oo xoolaha cadhada qaba la geliyo si loogu daaweeyo; jarcays. 3. ld kumbin.