shiiqsane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)

(baay.) Aliil aan awood badan lahayn, marka laba aliil oo kala duwan laga helo unugyada noole.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shiiqsane

aliil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.

isku-kaan [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Marka la sharaxayo noole leh laba aliil oo isku mid ah oo ukumaya muuqal gaar ah shiiqiye iyo shiiqsane midkuu doono ha ahaadee.

shiiqiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Hiddo barasho ahaan, sharaxaadda aliil, kaas oo awood badan leh marka laba aliil oo kala duwan oo hiddoside laga helo unugyo noole. Tusaale ahaan: dhererka geed salbuka ah waxa xukuma laba aliil, dheer (T) iyo cillinnimo (t). Marka labadooduba ay jiraan (Tt), taas macnaheedu waxa weeye, haddii ay unugyadu kala kaa-nyihiin, geedku wuu dheeryahay, maadaa-me “T” ay tahay shiiqiye “t”na ay tahay shiiqsane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg