shilis
(Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate)Nafley baruur badan leh.
shilis
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-islaa/-ishlaa, -islayd/-ishlayd)Nafley wax baruur badan leh ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shilis ↴
tabaadi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Neef buuran, cayilan, shilis.
xalus [m.l]
Laab weyn oo baruur duuban ah oo dadka shilis, siiba dumarku, xuddunta hoos-teeda ku yeeshaan. ld xulus.
abeer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.
ahmin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Ariga intiisa shilis oo la suuq geyn karo. 2. Orgida iyo wananka dhufaanan ee beeca ama hilib loogu talagalay. ld ahmi.
balacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).
baqay [m.l]
Dibi dhufaan ah oo shilis.
mandhoorrey [m.dh]
Hal aad u shilis oo kurus weyn leh.
qubul [m.l] (-llo, m.dh)
Q. ah: neef geel ah oo shilis.
shil [m.l] (-lal, m.l)
Dhibaato si lama filaan ah u dhacda.