shimbir
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)Cudur ku dhaca dadka iyo xoolaha oo afka qallociya.
shimbir
(m.dh) (-ro, m.l)1. Qayb ka mid ah lafdhabarleyda, oo ugax dhasha, oo dhiig kulul, baalal leh oo duusha. 2. Shimbir meel dhexaad ah, midab qurxoon oo xasharaadka cuna. ld shinbir.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shimbir ↴
jaalabuto [m.dh]
1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
jaamojoog [m.dh]
(c.nafl.) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
urug [m.dh]
Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
abitey [m.dh] (-eeyo, m.dh)
Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
asiidha yuurig [m.dh]
(baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
bisad [m.dh] (-do, m.l)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano. mukulaal; basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;
booddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(c.nafl.) Xasharaad dhiigga dhuuqa oo aan baalal lahayn, lugose leh ay ku booddo. B.da waaweyn si aan joogto ahayn ayey waxay ku dul noolaadaan shimbiraha iyo naasleyda. Qaarka dadka cunana waxay qaadi karaan cudurro kala duwan.
buub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Rati raran didid. 2. Dayaarad, shimbir iwm duulid.
buul [m.l] (-lal, m.dh)
1. Aqal yar oo aan hab wanaagsan u dhisnayn. 2. Aqal shimbir. 3. Dhullax, kasoobax.