shirki
(m.l)

Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.

shirki
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2)

(iyay, -isay) Cibaadada Alle cid kale la wadaajin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shirki

allebadane [m.l]
(dii.) Rumeyn, ama caabudid in ka badan hal ilaah; shirki.

shirkiyid [m.f.dh]
eeg shirki².

shir [m.l] (-rar, m.l)
1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.

shir [m.dh]
Ciyaar sacab, jaan iyo miro leh kana mid ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hab dhoola tusad ahna leh.

shir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel daloosha daboolid. 2. (f.g) Gabar la guday tolid. 3. (f.mg) Dad badan si ay uga wada hadlaan arrimo u dan ah meel ku kulmid. 4. (f.mg) Dhallinyaro cayaarta shirka dhee-lid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg