shubasho
(m.f.dh)

eeg shubo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shubasho

biyashubasho [m.f.dh]
eeg biyashubo. ld biyashubad.

buuxso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax muggiisa wax dhan ku shubasho ama ku qaadasho. 2. Foomka b.: warqad meela- heeda bannaan shuruudo looga baahnaa ku qorasho.

dharabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Maro, saan iwm qoyaan yar ku shubasho.

dhiigmiiro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Nafley dhiig ka shubasho. 2. Cid si xaqdarro ah ku jirto xooggiisa uga faa'iideysasho.

dhiigshubasho [m.dh]
Dhiigmiirad.

dhuro [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Hoore weel ku shubasho iyadoo weel yar la dardarayo. 2. (f.mg) U dh.: dhaqan ama dabeecad ciddiisu hidde u lahayd la soo bixid.

diddinso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Hoore yar meel ka shubasho. ld dindinso.

duudso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.

geddiso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Wax meel ku jiray, meel kale ku shubasho. 2. Badeeco ganacsi ku samaysash.

gongonso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Hoore yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg